Dad ka careesan natiijada horu dhaca ee kasoo baxday doorashada golayaasha Wakiilada iyo deegaanada maamulka Somaliland ayaa rabshado xoogan ka bilaabay deegaano hoostaga degmada Gabiley.
Shacabkan careesan ayaa xirtay wado muhiim ah oo isku xirta Magalooyinka Hargeysa iyo Gibileey, waxa ayna wadadaasi ku gubeen taayaro iyo qoryo, waxa ayna diideen in gaadiidka halkaasi maraan.
Sida aan wararka ku helnay dadkan dhigayay banaan baxa rabshadaha watay ayaa kasoo horjeeday in doorashada uusan kusoo bixin musharax ay taageersanaayeen, waxa ayna xuseen in doorashada la musuq maasuqay.
Tirinta codadka doorashada doorashooyinka isku sidkanaa ee golayaasha deegaanka iyo Wakiilada Somaliland ayaan wali dhamaan, waxaana natiijooyin hada la shaaciyay aad isugu dhaw xisbiyada Kulmiye iyo Wadani.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com