Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kenya oo Shaacisay tirada Gaadiidka Gaashaaman ay ka iibsaneyso dowlada Turkiga

Dowlada Kenya ayaa dalab ku aadan iibsashada gaadiidka gaashaaman oo casri ah u dirtay shirkada horumarinta Gawaarida Katmerciler , si ay uga hesho gaadiid ciidamada Kenya u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Milatariga Kenya ayaa dalbaday in ay helaan in ka badan 100-gaari oo nuuca gaashaaman ah si ay ciidamada ugu adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo weeraro joogta ah ka fuliya gudaha Kenya.

Maamule kuxigeenka Shirkadda Katmerciler ayaa sheegay in dowlada Kenya ka iibsaneyso 118-gaari oo nuuca gaashaaman ah, waxa uuna xusay in gaadiidkan la tijaabinayo lana soo bandhigayo bisha Agoosto ee sanadkan 2021.

Afhayeenka Ciidamada Difaaca Kenya Ziborah Kiyoko ayaa sheegay in Dalkiisa aad ugu baahan yahay helitaanka gaadiidka gaashaaman oo casri ah si ay ugu adeegsadaan dagaalka kooxda Al Shabaab.

Milatariga Kenya ayaa horey dowlada Shiinaha uga soo iibsatay gaadiid nuuca gaashaaman ah, hasa ahaatee gaadiidkaasi ayaa waxaa bur buriyay qaar badan oo kamid ah miinooyin ay kooxda Al Shabaab jidka galiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaza oo xabad joojin loo qalqaalinayo & wadahadal cusub oo ka furmay Qaahira

Caydiid Ali

Jubbaland oo War ka soo saartay sababta Kismaayo loogu diiday Cabdi Cali Raage

Caydiid Ali

Wiil Soomaali ah & askar Boolis ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay Canada (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---