Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad kuwaa oo ku sugan Isgooska Ex-Koontarool Balcad ee degmada Hiliwaa.
Sida aan wararka ku helnay dagaalyahanada Al Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamada Haramcad ee ilaalinaya dhismaha wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad.
Dagaalka dhax maray ciidamada Haramcad iyo dagaalyahanada Al Shabaab ayaa la sheegay in daqiiqado badan socday, waxaana markii dambe dagaalka istaagay kadib markii dagaalyahanadii weerarka soo qaaday dib u laabteen.
Taliska ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii Al Shabaab kusoo qaadeen, mana sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka xalay lagu soo qaaday.
Weerarada tooska ah ee Al Shabaab ku qaadeen ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe aad u yaraa, waxaana inta badan Al Shabaab magaalada ka fulin jireen dilal qorsheesan iyo qaraxyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com