Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasiyiin Mucaarad ah oo bogaadiyay talaabo uu qaaday Ra’isul Wasaare Rooble

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay talaabadii uu Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ku bedelay ciidamada asluubta ee ku sugnaa koontarool kuyaala Muqdisho.

Rooble ayaa amar ku bixiyay in ciidamada asluubta ee ku sugnaa koontaroolka laga ilaaliyo Maxkamadaha iyo Xabsiga Dhaxe  laga qaado halkaasi laguna wareejiyo ciidamo booliis ah kadib iska hor imaad dhawaan halkaasi ka dhacay.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo katirsan xisbiyada mucaaradka ee dalka ka jira ayaa bogaadiyay talaabada lagu bedelay ciidamadii asluubta ee rasaaseeyay maalmo kahor Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

”Waxaan bogaadinayaa ugana mahadcelinaynaa RW Maxamed Xuseen Rooble tilaabada uu ka qaaday Ciidamadii Asluubta ee joogay wada hormarta Kawaanka Malayga, Maxkamadaha, Xabsiga Dhexe iyo Dekadda ee maalin dhawayd xabadeeyay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa naga go’an in aan si buuxda ula shaqayno RW Rooble si looga mirodhaliyo dadaaladiisa ku aadan xassiloonida dalka iyo qabashada doorasho xor ah oo loo dhanyahay.” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salad.
Ciidamada asluubta ee laga qaaday koontaroolka yaalay degmada Xamar Weyne iyo ciidamo ilaalo u ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dhawaan iska hor imaad halkaasi ku dhax maray kadib markii ay kala shakiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo ka mid ah safiirada Somalia u fadhiya dalalka Carabta oo lagu amray iney dalka soo galaan

Caydiid Ali

Taliska Ciidamada Asluubta oo War ka soo saaray qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Taliska ciidanka NISA ee Jubbaland oo fashiliyay qaraxyo miino (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---