Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidankii ku sugnaa Kontrolkii lagu xabadeeyey Xassan Shiikh oo la bedelay (Sawirro)

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamo suga ammaanka geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hormarta kawaanka Malayga Xamar weyne, Maxkamadaha, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn

Wararka ayaa sheegaya in amarkan uu bixiyey RW Rooble ka dib markii ciidamo ku sugnaa kontrolka Kawaanka Malaayga ay maalin ka hor rasaas ku fureen gaadiid uu la socday Madaxweynihii hore ee dalka Xassan Shiikh Maxamuud.

Taliyeyaasha Booliska iyo asluubta ayaa goob joog ka ahaa Munaasabadii lagu kala wareejinayey labada ciidan.

Ciidankii Asluubta ee ku lug lahaa falka lagu xabadeeyey Xassan Shiikh ayaa gebi ahaanba laga qaaday goobahaas kaddib markii ay ku lug yeesheen isku dhacyo dhowr ah oo ay u dambeysay dhacdadii xassan Shiikh lagu rasaaseeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Spain oo qaadatay go’aan cusub oo ka careysiiyey Israel

Caydiid Ali

Cabsi lasoo daristay Dadka la Macaamila Al Shabaab ee ku sugan Muqdisho iyo NISA oo…

Cabdi Cade

Rabshadaha u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada oo ku fiday dalka Jabuuti

Cabdi Cade
Taboola Ads ---