Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa mar kale amar ka soo saartay Qaadka yimaada degaanada Galmudug, iyadoo wasaaraddu ugu yeertay ganacsatada Qaadka ka soo dajiya Garoomada diyaaradaha inay iska soo diiwaan galiyaan Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda, cidii qaadan waydana ay Dowladdu tilaabo ka qaadayso.
Warqadda amarkan lagu xusay ayaa waxaa ku Saxiixan wasiir ku Xigeenka Wasaradda Maaliyadda Galmudug Muqtaar Cali Cusmaan.
Dhanka kale wasaaradda Maaliyadda ayaa mamnuucday qaadka dhulka ku yimaada degaanada Galmudug.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com