Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dalal u badan Qaaradaha Afrika iyo Aasiya oo lagu daray liiska casaanka ee UK

Dalalka Afghanistan, Baxrayn, Costa-rica, Masar, Sri-Lanka, Sudan iyo Trinidad and Tobago ayaa lagu dari doonaa dalalka dadka ka yimaada ay Liiska Cas (red list) gelisay Boqortooyada Ingiriiska.

Isbeddelkan ayaa dhaqan galaya 8-da June ee 4-ta subaxnimo oo ah maalinta Talaadada soo socota.

Dadka ka yimaada dalalkan marka ay xuduudaha Boqortooyada Ingiriiska soo galaan, waxa la geyn doonaa hoteello ay dowladdu qorsheysay, halkaasoo ay ku geli doonaan karaantiil si looga hortago faafida cudurka Cudurka COVID-19.

Dadka ka soo jeeda dalalkan ee heysta baasaboorka Britain oo kaliya ayaa loo ogol yahay iney tagaan UK, kuwaasoo galaya karantiilka, iyadoo dadka caadiga ah ee dalalkan u dhashay  ay mamnuuc ka tahay iney Britain galaan.

Hotelka oo uu qofku ku jiri doono muddo 10 maalmood ah, kharashka ku baxaya oo u dhexeeya £1000-£1700 ($1400-$2380) waxa iska bixinaya qofka la karantiilayo.

Dhinaca kale, Britain ayaa dalka Portugal mar kale ku celisay liiska Amberka ee halistiisu yartahay sababo la xiriita dalxiisayaasha reer Britain ee sanadkaan aadaya xeebaha Portugal.

Soomaaliya, Itoobiya, Cumaan, Kenya, Pakistan, Bangladesh & Philippines, Qadar iyo dalal kale ayaa horey loogu daray liiska casaanka ee England.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin hubeysan oo weerar ku qaaday Masjidka Daarul Xikma iyo baaris …

Cabdi Cade

Daawo: Maxaa looga hadlay kulankii deg deg ahaa ee Farmaajo & Talisyada ciidamada?

Caydiid Ali

(Sawirro) ATMIS oo lagu wareejiyey dayuurado Helicobter ah oo loogu talo galay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---