Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray goobaha ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadaha Webiga Shabelle iyo xarumaha ay shacabka ku barakaceen, isagoo Madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka xog-wareystay sidii dadaallada haatan socda loo xoojin lahaa, loona dhammeystiri lahaa qorsheyaasha ku aaddan xal u helista dhibaatada soo laalaabatay.
“Runtii waxaan maanta indhahayga ku soo arkay wax aad u dhib badan. Waxaan arkay in magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda oo dhan ay biyo fadhiyaan ayna magaaladii kala go’doomiyeen. Fatahaaduhu waxa ay dhibaato u geysteen dad masaakiin ah oo deggan tuulooyinka uu maro webiga Shabeelle. Barakacyaashaasu maanta gacan ayay nooga baahan yihiin haddii ay ahaan lahayd mid deegaameyn, mid raashin iyo mid caafimaadba”.
Eng. Rooble ayaa tilmaamay Fatahaadaha soo noqnoqdey in Xukuumaddiisu waqtiga u haray ay xoogga saari doonto sidii loo dajin lahaa qorshe saxan oo looga hortagaayo fatahaadahan, loona heli lahaa xal waara oo lagu yareynayo dhibaatooyinka ay gaarsiiyaan dadka shacabka ah ee ku nool Hirshabeelle. Isagoo ugu baaqay bulshada ku nool hareeraha webiga in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bogaadiyey gurmadka iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, taas oo kaalin mugleh ka qaadatay samata-bixinta nafeed ee qoysaska iyo dadkeenna nugul ee deegaannada ay dhibaatadu gaartay.
“Waxaan rabaa in aan ka codsado Shacabka Soomaaliyeed Gude iyo Dibad meel ay joogaanba in ay u istaagaan oo ay gacansiiyaan walaalahood Hirshabeelle, gaar ahaan tuulooyinkii ay dhibta gaarsiiyeen fatahaaduhu.Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan uga qayb qaadan lahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee ay soo food-saartay dhibaatadu”.
Socdaalkan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu ugu kuur-galeyey xaaladda binu aadantinimo ee magaalada Jowhar waxaa ku weheliyey xubno ka tirsan Xukummadda iyo Baarlamaanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com