Taliyihii ururka 6-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee Gorgor Col. Max’ed Cabdiwaaxid ayaa maanta lagu dilay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowlada iyo Xoogaga Al-Shabaab.
Dagaalkan oo weli ka socda degaanka War-Ciise ee gobolka Sh/Dhexe ayaa la sheegay inuu khasaare weyn ka soo gaaray labada dhinac.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid sarkaalka oo mka mid ahaa saraakiisha ugu firfircoon ciidanka xoogga dalka.
Taliye Max’ed Cabdiwaaxid oo hoggaaminayey dagaalka iyo askar kale ayay wararku sheegayaan iney ku naf waayeen qarax haleelay gaarigii ay la socdeen.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale dagaalka looga dilay saraakiil iyo dagaalyahano badan waxaana la sheegay in laga qabsaday gaadiid dagaal, halka kuwa kalena laga gubay.
Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab iyo Gorgor ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgal balaaran ka waday degaano hoostaga gobolka Sh/dhexe kaasoo ka dhan ah xoogaga Al-shabaab ee ku sugan gobolkaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com