Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Yurub katirsan oo xarun lagu soo dhaweeyo Qaxootiga ka sameesanaysa Afrika

Xildhibaanada Barlamaanka Denmark ayaa maanta waxa ay u codeyeen qorshe ay Dowladda Denmark Xarun Qaxootiga lagu qaabilo uga dhisanayso dal saddexaad oo loo badinayo inuu yahay dal Afrikaan ah.
 
Sharcigaasi ayaa waxaa lagu ansixiyey Aqlabiyad dhan 70 Cod oo aan aamusnaan lahayn.
 
Talllabadaasi ayaa noqon doona markii u horeysay ee dowladda Denmark ay Nidaamka Baarista Magangelyo-doonka u weeciso meel ka baxsan Qaaradda Europe.
 
Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, Ururka Midowga Europe iyo dhowr Ururrada Caalamiga ayaa si kulul u naqadiyey Ansixintaasi, waxayna sheegeen inay wiiqayso Iskaashiga Calaamiga iyo Faahfaahin la’aanta sida loo dhowri doono Xuquuqda Aadanaha.
 
Dhinaca kale, Wasiirka Socdaalka ee dalka Denmark, Mattiyos Tesfaye waxa uu sheegay inay Dowladda Denmark u baahan tahay Jadwal Shaqo oo Sharci ag oo ku saabsan Nidaamka Cusub ee Magangelyo-doonka.
 
Waxa uu intaasi ku daray in Mucaaradka Midigta Dhexe ayaa taageerayo Xisbiga The Social Democratic ee Dowladda laga tirada badan yahay iyo inay codeeyaan Sharciga maanta la ansixiyey.
 
Wasiirka Socdaalka ee dalka Denmark, Mattiyos Tesfaye waxa kale oo uu ballanqaaday Sharci-dejiyayaasha in Heshiis kasta oo lala galo dal kale in la hor geyn doono Barlamaanka, ka hor inta aysan Xukuumadda awoodin qaab ku-dayasho leh ama aan Qofna loo dirin Xarunta Qaabilaada Qaxootiga.
 
Bishii April ee sanadkan, Dowladda Denmark waxay sheegtay inay Heshiis Is-Faham la saxiixdeen dowladda Ruwanda oo ku aadan jadwalka shaqo ee Wada-xaajoodyada iyo Iskaashiga labada dal ee Arrimaha Qaxootiga.
 
Wargeyska Maalinlaha ee Jyllands-Posten waxa uu qoray inay Dowladda Denmark wada-xaajood kula jiraan Dowladaha Masar, Ethiopia iyo Tunisia.
W/T Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Boqolaal gantaal oo caawa lagu garaacay Tel Aviv & geerida Yuhuuda oo gaartay..

Caydiid Ali

Baahida dowladaha Mareykanka iyo Iran u qabaan gaarida heshiis cusub

Cabdi Cade

Dowladda Kenya oo hakisay go’aan ay dhawwaan soo saartay kaddib muran ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---