Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Golaha Wasiirada Jubbaland oo la dhaariyay iyo Axmed Madoobe oo la dar daarmay (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo kaga qeybgalay Munaasabada dhaarinta Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu Madaxweynahu magacaabay.
 
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin kale oo weyn oo talaabo loo qaaday dib u habaynta Hay’adaha Dowlada iyo Dowlad wanaaga.
 
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumadahii hore iyo qaab dhismeedka Dowliga ah lagu jaangooyay hanaan dib u heshiisineed kaas oo la doonayo in hada wixii ka danbeeya looga guuro hanaanka dib u qaabaynta Hay’ado xoog badan oo shacabka u adeega.
 
Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in burburka dalka ka jira saamayntiisa ay ka jirto meelo badan oo Jubaland ay kamid tahay isla markana qabyaaladu ay wax walba ka horayso lagagana kalsooni badan yahay danta guud.
 
Gaba gabadii Madaxweynahu wuxuu sheegay in Xukuumada Cusub uu horyaalo waajibaad culus oo looga baahan yahay Wasaarada walba inay shaqada u taala oo kaliyah ay xooga saarto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Mareykanka oo Soomaaliya ka taageeraysa xakameynta Caabuqa Covid-19 

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay 20-Wakiil oo Somaliland u qaabilsan Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo farac ay leedahay Jaamacadda Ummada ka furay Caabudwaaq

Caydiid Ali
Taboola Ads ---