Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Indhihiisa kusoo arkay Dhibaatada ka jirta Jowhar (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xiuldhibaano uu hogaaminayay ayaa gaaray magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaana Jowhar kusoo dhoweeyay Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayay.
 
Raisul Wasaaraha ayaa kormeeray indhihiisana kusoo arkay goobaha uu ku fatahay wabiga shabeelle ee hareeraha Magaalada Jowhar iyo wadada xiriirisa Airport-ka iyo Magaalada oo fatahaada Wabiga uu saameeyay.
Rooble iyo wefdiga la socday ayaa Warbixin ku aadan dhibaatada fatahaada iyo go’doonka Jowhar ku jirto ka dhageestay madaxda maamulka Hirshabelle , waxa ayna madaxda codsadeen in la gar gaaro shacabka fatahaada saameesay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Guddiga doorashada Madaxweynaha K/Galbeed oo jadwal cusub shaaciyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo laga sugayo in uu cadeeyo Mowqifkiisa Siyaasadeed si looga Shaki baxo !!

Cabdi Cade

Iran oo iska fogeysay masuuliyadda dilka loo geestay Rabbi Tsoi Kogan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---