Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo Kumandos lagu soo tababaray Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaadhaandhigga Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyey Dufcaddii 2aad ee ururka 7aad ee Kumaandooska Gorgor oo tababar gaar ah ku soo qaatay Dalka Turkiga.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa tilmaamay in Ciidanka Gorgor ay qeyb ka yihiin howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan Gobollada dalka , isagoo xusay in guulo ay ka soo hooyeen Dagaallo ay la galeen Al-shabaab, tababarkooduna yahay mid kalsooni weyn ay ku qabaan .

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa tibaaxay in Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay qorshe ballaaran oo dib-u-habeyn iyo tayeyn loogu sameynayo Ciidanka , kaasoo lagu guuleystay, Waxa uu hadalkiisa ku sii daray in Kumaandooska Gorgor yihiin cudud Ciidan oo Qaranka Soomaaliya uu ku faanayo .

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa ah ciidan si gaar ah u tababaran oo carbis milatari iyo mid gaar ahba ku qaata gudaha Soomaaliya iyo Dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gantaalo 30 ka badan oo lagu weeraray woqooyiga Israa’iil (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Gustavo oo shaaciyey inuu diinta Islaamka qaadanayo

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---