Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS u gudbiyay magacaabista xubnihii laga sugayay ee Guddiyada Doorashooyinka Kuraasta Somaliland.
Xubnahaha gudoomiyaha Aqalka sare gudbiyay ayaa gaaraya lix xubnood, waxa ayna isugu jiraan Xubnaha Guddiga doorashada Heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo xalinta khilaafaadka, kuwaa oo matalaya gobolada Waqooyi ee Somaliland.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay sidan oo kale usoo gudbiyay liiska xubnaha maamulkiisa ku matalaya guddiyada doorashada iyo xalinta Khilaafaadka doorashada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka.
Halkan ka Akhriso magacyada Liiska uu Cabdi Xaashu gudbiyay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com