Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Sudan oo dib u eegis ku sameyn doonta Heshiiska Saldhiga Ciiddanka Badda ee…

Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Sudan, Jeneral Maxamed Cuthmaani Al-Xuseen ayaa sheegay in Dib-u-eegis ku samayn doono Heshiiskaasi, oo uu xusay inay ku jiraan qoddobo waxyeeli kara Danaha dalka Sudan.
 
Taliyaha ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Telefishinka The Blue Nile Channel, wuxuuna xusay inay Xilligan Wada-xaajood kala leeyihiin suurto-galnimada Dib-u-eegista Heshiiskasi, si loo hubiyo Danaha iyo Macaamiisha Sudan ka helayso meelmarinta Heshiiskaasi.
 
Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Sudan, Jeneral Maxamed Cuthmaani Al-Xuseen waxa kale oo uu tilmaamay inuusan Heshiiskaasi weli dhankooda Sharci ka noqonin, isla markaana ay muhiimad tahay in Isbedel lagu sameeyo Iskaashiga Milliteri ee Sudan iyo Raashiya.
 
Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay inuu dalkiisa Iskaashi Milliteri oo Furan la leeyihiin dalka Maraykanka, isagoo dhanka kalena beeniyey inay wax xiriir ah leeyihiin Dib-u-eegista Heshiiska Raashiya iyo hagaajinta Xiriirka ay Maraykanka la leeyihiin.
 
Dabayaaqadii bishii April, Dowladda Sudan waxay shaacisay inay hakiyeen Heshiiska ay Raashiya saldhig Milliteri kaga dhisan lahaayeen Dekedda magaalladda Port Sudan ee kaabiga ku haysa Badda Cas.
 
Si kastaba ha ahaatee, Dukumentiga Heshiiska Saldhiga Milliteri ee Raashiya ee horey loo saxiixay waxa uu dhigayey inay Raashiya Saldhig Loojistikada ah ka dhistaan Sudan, iyadoo muddada Heshiiskaasi noqon doono 25 sano oo lagu kordhin karo 10-sano, haddii ay labada dhinac isku af-gartaan.
W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia 
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Isreal oo ragga xoog uga saaraya Isbitaalka Al Shifa iyo xaalada oo cakiran

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Caro ka dhalatay Wasiir ka tirsan Isra’iil oo booqday Masjidka Al-aqsa

Caydiid Ali

Israa’iil oo shaacisay tirada weerarada dhinaca cirka ah ay ka fulisay magaalada Gaza

Cabdi Cade
Taboola Ads ---