Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa meel xun gaaray, waxaana khilaafka labada dal u dhaxeeya sababay in la joojiyo duulimaadyadii labada dal isaga kala gooshayay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud , ayaa sheegay in uu hada socdo dadaalo lagu doonayo in mar kale lagu soo celiyo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya meeshana laga saaro khilaafka hada taagan.
Waxa uu sheegay Wasiirka in dowlada Qadar dadaal mar kale ku bixineyso sidii loo soo celin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna xusay in Qadar wafdi cabashada soo dhageesta u kala dirtay magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.
“Horumarka la sameeyo & dib u dhaca mararka qaar haddii laga sii hadlo uma noqon karto wax u fiican soo celinta xiriirka, waxaana jeclahay in aan sidaas uga haro, balse waxa aan kuu xaqiijinayaa in uu dedaalkaas socdo Isla markaana wax waliba aysan ahayn sida uu warka u jiro run u wada yihiin ama been u wada yihiin” ayuu yiri Wasiir Maxamed C/Risaaq.
Dowlada Qadar ayaa horey ugu guuleesatay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ku qanciso in ay soo celiyaan xiriirka diblumaasi, hasa ahaatee waxaa dowlada Kenya ayaa maalmo kadib khilaafka uga sii dartay kadib markii ay joojisay duulimaadyada Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com