Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubnaha Midowga Mushraaxiinta oo caawa kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho (Sawirro)

Xubnaha midowga Musharaxiinta ayaa caawa kulan xasaasi ah ku yeeshay Hotel ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha ka qeyb galay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa Shariif Shiikh Axmed, Xassan Shiikh Max’uud, C/raxmaan C/shakuur, Xassan Cali Khayre, C/kariin Guuleed iyo xubno kale.

Shariif Shiikh Axmed ayaa boggiisa facebook ku qoray in kulanka caawa uu ahaa casho iyo isxog-wareysi ay iskugu yimaadeen musharaxiinta, ayna ka wada hadlayeen xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada dalka.

Kulankan ayaa sidoo kale u muuqda mid looga jawaabayo hadalo dhowaan ay baahiyeen warbaahinta gudaha oo sheegayey khilaaf adag soo kala dhex galay xubbaha midowga musharaxiinta.

Waxaa la filayaa in xubnahan ay dhowaan kala baxaan oo nin walba uu jikadiisa gooni u shito, maadaama  laga heshiiyey khilaafkii ka dhashay muddo kororsiga Farmaajo, ayna DF iyo dowlad goboleedyada isla meel dhigeen hanaankii loo qaban lahaa doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia, 
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Midowga Yurub oo hakiyey dhaqaalihii uu tooska u siin jiray dowlada Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Afrika (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo la wareegtay deegaan ay ka baxeen ciidanka Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---