Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo sheegtay iney badweynta India ku Weerartay ciidamo ka tirsan..

Al-Shabaab ayaa sheegtay in xoogag taabacsan ay weeraro dhanka badda ah ku qaaday ciidamo ka tirsan DF oo ku safrayey doon mareysay badweynta India.

“Weerarka oo shalay dhacay ayaa lagu beegsaday laba doonyood xilli ay ku safrayeen biyaha ku aadan degaannada Gendershe iyo Jilib Marka oo dhammaantood dhaca duleedka magaalada Marka ee gobolla Sh/hoose” ayaa lagu yiri qoraal kooxdu soo saartay oo lagu baahiyey baraha taageera ee internetka.

Warka Al-Shabaab laguma faahfaahin khasaaraha ay u geysteen ciidamada DF ee lagu weeraray badweynta, mana jiro war ku saabsan dhacdadan oo ka soo baxay DF.

Ciidamada DF ayaa mararka qaarkood isticmaala safarada dhinaca badda ah marka ay ku sii jeedaan degaanada dhaca xeebta ee gobolka Sh/hoose sida magaalada Marko ka dib markii uu adkaaday safarka dhulka weerarada Al-Shabaab awgeed.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay iney maanta degmada Yaaqshiid ku dileen nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa sirdoonka dharcadka ah ee Nabad sugida DF kaasoo ay magaciisa ku sheegeen Cagaweyne.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegatay iney Degaanka Lafoole oo u dhow degmada Afgooye  ku dileen sarkaal ka tirsanaa cidamada dowlada, laamaha amaanka DF ayaan ka hadlin warka ay Al-shabaab ku sheegatay dilalkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia, 
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray dalka Qatar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Waddo loogu magacdaray Madaxweyne hore (Sawirro)

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay Baaq dhif iyo naadir ah oo kasoo yeeray Jabhada TPLF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---