Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Agaasimeyaal cusub u magacaabay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka.
Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar.
Sidoo kale, Rooble ayaa Agaasimaha duud ee Wasaaradda caafimaadka & daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim.
Wareegtada laguma xusin sababta loo bedelay Agaasimayaashii hore ee Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka oo ka mid ah Wasaaradaha ugu shaqada badan DF.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia,
Allbanaadir@live.com