Allbanaadir.com
NEWS

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday Muqdisho iyo bulshada oo si weyn u hadal heysa

Waxaa maanta xaafada Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley gobolka Banaadir laga helay iyada oo si xun loo dilay meydka gabar 10-sano jir aheyd oo mudo labo maalin ehelkeeda ka maqneyd.

Meydka gabadha oo lagu magacaabayay Nafisa Cumar Geelle ayaa laga helay guriga qoyskeeda , waxaana meydka  lagu qariyay digsiyo waa weyn oo ah nuuca lagu kariyo raashinka xiliyada sabta ama amuurta la qabo.

Wiil ehel la’ah gabadha meydkeeda la helay ayaa Warbaahinta u sheegay in ka argagaxeen markii gabadhii mudo labo maalin ka maqneyd kuna hoolanaayeen baadi goobkeeda iyada oo si xun loo jir dilay meydna ah ka heleen gurigii ay kunooleed.

” Gabadha labo maalin ayey maqneed waxaana lagu jiray baadi goobkeeda, waxaana maanta la arkay iyada oo meyd ah oo lagu qariyay labo digsi oo nuuca sabta lagu kariyo joodarina kor laga saaray, ma naqaan cida dishay iyo sababta keentay, ciidanka ayaana baaritaano wada” ayuu yiri wiil ilmo adeer la ah gabdha la dilay.

Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa dambi baarista CID-da oo gaaray guriga laga helay meydka gabadha la dilay ayaa xiray aabaha iyo gabadha meydkeeda guriga laga dhax helay, waxa ayna ciidamada wadaan baaritaano ku aadan cida dishay gabadha .

Dhacdadan ayaana argagax badan ku abuurtay xaafada Kaawo Godey uu falku ka dhacay, waxa ayna dadku hadal hayaan isna weediinayaan falkan aadka looga naxay iyo waliba cida ka dambeesay guriga reerkana meydka ku qarisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor-qoor iyo wafdigiisa oo gaaray degmada Cadaado (Sawirro)

Caydiid Ali

Sheekh Caan ah oo gabadhiisa u doonaya nin guursada soona bandhigay Shuruudo

Cabdi Cade

Xoogaga TPLF oo tacadiyo xanuun badan u geestay Haween kunool Gobolka Amxaarada

Cabdi Cade