Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dagaal culus oo saakay ka dhacay Ceelbacad iyo Janaraal Odawaa oo guul sheegtay

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay ka dhacay deegaanka Ceelbacad ee kuyaala duleedka degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo howlgal ka waday inta u dhaxeysa degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ayaa la sheegay in dagaal kala kulmeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab .

Dagaal xoogan oo saacado socday ayaa lagu soo waramayaa in labada ciidan dhax maray, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in howlgalka ay sameeyeen ciidamada milatariga ku dileen dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab.

Jen. Odwaa ayaa xusay in dagaalka ka dhacay deegaanka Ceelbacad ciidanka xooga Soomaaliyeed ku dileen 25-dagaalyahan sidoo kale kusoo furteen hub kala duwan, waxa uuna xusay in wali howlgalka socdo ayna sii kordhi karaan khasaaraha.

Ciidanka xooga Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka waday deegaano katirsan Hirshabelle, waxa uuna taliska ciidanka Xooga Soomaaliyeed sheegay in ay socon doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

C/kariin Guuleed oo qoraal cajiib ah ku faaqiday dhamaadka xilliga Farmaajo

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo Baaq Deg deg ah kasoo saartay Isu imaatinka dadka badan

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo ka soo horjeestay habka ay ku socoto doorashada (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---