Kenya ayaa ugu hanjabtay hay’adaha QM, Ururada Caalamiga ah inay joojin doonto dhammaan duulimaadyada Soomaaliya.
Xukuumada Nairobi ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, hase yeeshee waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa ku eedeysay hay’adaha QM, Ururada Caalamiga ah iyo Howlgallada Diblomaasiyadeed inay si qaldan u adeegsadeen fasaxii la siiyey, oo ay arrimo siyaasadeed u adeegsadeen duulimaadyada, kuna xadgubeen ogeysiiska lagu joojiyey duulimaadyada Somalia.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa uga digay hay’adahan in duulimaadyada bani’aadannimo ay tahay in loo adeegsado arrimo bani’aadannimo oo kaliya, haddii kale ay gebi ahaan joojin doonto duulimaadyada Soomaaliya iyo kenya u kala goosha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com