Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaarada Waxbarashada oo digniin siisay Jaamacado laga qaadayo talaabo adag

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin maanta u dirtay Jaamacadaha ka  howlgala Gobolada dalka.

Jaamacadahan oo aan weli la xiriirin Guddiga Qaranka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada inay ugu danbeyn la xiriiraan 5-ta bisha June, haddii kale tallaabo laga qaadi doono.

“Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare wuxuu si sharaf leh uga codsanayaa Jaamacadaha ka howlgala Gobolada Soomaaliya ee aan weli xiriir la soo samayn Guddiga Qaranka Tacliinta Sare. inay la soo xiriiraan guddiga Qaranka Tacliinta Sare ugu dambayn 05/06/2021″ ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Guddiga.

Jaamacaddii aan muddada loo qabtay la xiriirin Guddiga Qaranka ayaa laga qaadi doonnaa tallaabo sharciga waafaqsan sida ku xusan War-Saxaafadeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo si qurux badan loogu soo dhoweeyey dalka Jabuuti (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya

admin

Taliban oo soo bandhigtay ciidankeeda sida gaarka ah u tababaran (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---