Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka guddoomay xubno ka tirsan musharaxiinta liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed.
Xubnaha RW Rooble u gudbiyey liiska ayaa waxaa ka mid ah xubno matalayay Midowga Musharaxiinta oo kala ah Madaxweyneyaashii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.
Kulankan oo ka dhacay xafiiska RW Rooble oo ku yaalla xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xafiiska raisul wasaaraha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com