Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo Magaacaabay Guddi cusub oo 8 xubnood ka kooban (Ujeedka)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda ayaa faray diyaarinta munaasabado muujinaya qiimaha shacabka Soomaaliyeed ay u hayaanmaalmaha xurriyadda iyo midnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay la joogo xiliigii dadka Soomaaliyeed ay soo nooleyn lahaayeen miro-dhalkii gobanimada, dowladnimada iyo midnimada, soona celin lahaayeen maqaaamkii iyo magacigii ay ku lahaayeen gobolka iyo qaaradda.

Xubnaha Guddiga eek u magacaaban wareegtada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe, halka uu Guddoomiuye Kuxigeenka uu ka yahay Wasiirka Amniga XFS Mudane Xasan Xundubeey Jimcaale.

Xubnaha kale ee Guddiga ayaa kala ah;

1- Mudane Durraan Axmd Faarax Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada

2- Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga

3- Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda

4- Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Wasiir Gargaarka & M. Masiibooyinka

5- Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Wasiirka Shaqada & Arr. Bulshada

6- Marwo Shugri Maxamuud Afrax Wasiiru Dowlaha Tamarta iyo Biyaha

7- Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aha Duqa Muqdisho

8- Mudane Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirrada Xoghayaha Fulinta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo ka laabtay go’aan culus oo uu todobaad ka hor qaatay

Caydiid Ali

Sargaal katirsanaa Booliiska Soomaaliya oo la dilay iyo taliska Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dil loo geestay masuul katirsan dowladda Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---