Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha laami cusub (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dhismaha waddada Xalane ee xiriirisa Muqdisho iyo degaanka Jaziira.

Waddadan oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan ee Caasimadda ayaa waxaa ku yimid burbur uu sababay Roobkii ka da’ayay Magaalada Muqdisho bilihii la soo dhaafay taasoo isticmaalkeeda noqotay mid halis ah.

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo dadka degaanka ay iska kaashan doonaan dhismaha wadadan oo ay ku baxeyso lacag fara badan.

Munaasabada Dhagax dhiga waxaa goob joog waxaa ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dabaaldegyo lagu soo dhoweynayo TPLF oo caawa ka socda Makelle (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu yahay Mashruuca cusub ee uu Deni maanta xariga ka jaray?

Caydiid Ali

Dowladda oo Digniin u dirtay dadka Warbaahinta iyo baraha bulshada sida khaldan u isticmaala

Cabdi Cade
Taboola Ads ---