Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe iyo Safiirka Itoobiya oo kulan gaar ah yeeshay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Kulankaan dhax maray Madaxweyne Guudlaawe iyo Safiirka dowlada Itoobiya ayaa looga hadlay Arrimo ay kamid ahaayeen Amniga gaar ahaan xoojinta howlgalada la dagaalanka argagixisada.

Waxa ay sidoo kale labada masuul kawada hadleen xalkii laga gaaray khilaafkii ka taagnaa doorashada Soomaaliya, safiirka Itoobiya ayaana ku amaanay Madaxweynaha Hirshabelle gacantii uu ka geestay in heshiis laga gaaro khilaafkii doorashada.

Safiirka cusub ee dowlada Itoobiya u jooga Soomaaliya ayaa maalmahan kulamo kala duwan la lahaa madaxda dowlada goboleedyada ee Muqdisho, waxa uuna shalay kulan kan lamid ahaa la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) NISA oo qabatay 3 nin oo ku eedeeysan..

Caydiid Ali

Weerar caawa lagu soo qaaday meel ku dhaw xarunta Degmada Howl Wadaag

Cabdi Cade

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer federaal oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---