Khamiistii May 27, 2021 ayaa Madaxweyne Cabdel Fattaax al-Sisi ku tegay Jabuuti booqashadii ugu horraysay ee madaxweyne Masaari ah uu weligiis ku tago dalkaas. Tan iyo horraantii sanadkii lasoo dhaafay Geeska Afrika waxaa ka socday dhiillo diblomaasiyadeed oo isurogtay dhoollatus dhab ah, oo dhalinaya su’aalo.
Inkastoo aan la garan karin ujeeddada xisaabtanka Jabuuti, haddana Masar waxay heshiis militari iyo sirdoonba la gashay dalalka Burundi, Uganda, Sudan iyo Kenya iyadoo weli ay taaagan tahay ismariwaaga muranka badan dhaliyey ee Biyaxireenka Niil (GERD-the Grand Renaissance dam).
Kenya oo si ba’an ugu dhex milantay siyaasadda Soomaaliya ayaa leh sababaheeda ay ku rabto saaxiibada ka dhanka ah isbahaysigii seddax geesoodka (Itoobbiya, Eritrea iyo Soomaaliya).
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dalkiisa xayiraad ballaaran uu ku soo rogay Itoobbiya iyo Eritrea. Addis Abeba ayaa ka walaacsan in lala simo argaggaxisada TPLF kuna adkeysaneyso inay dib uga fiirsan doonto xidhiidhka soo jireenka ah ee ay Mareykanka la lahayd, haddii Washington ay sii waddo cadaadiska iyo in la faraggeliyo arrimaheeda gudaha.
Dhinaca kale, Sudan ayaa ku eedeeysay Itoobbiya inay bilaabi doonto wejigii labaad ee buuxinta harada biyaxireenka Niil. Wasiirka Biyaha ee Itoobbiya Seleshi Bekele ayaa warkaas ku tilmaamay, “odhaah ula kac ah oo marin habaabin loogala dan leeyahay si loo jahwareeriyo qof walba” (Bloomberg 25/05/2021).
Masar iyo Sudan ayaa horaantii bishaan sameeyey dhoollatus military oo ujeeddadiisu ahayd in lagu mideyo habka loola macaamili lahaa khatarta ay wejihi doonaan sida ay sheegtay SUNA. Khartoum ayaa March 2021 soo jeedisay in Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midowday iyo Mareykanka ay dhexdhexaadiyaan khilaafka biyo xireynka taas oo Addis Ababa ku gacan seertay.
Imaaraadka oo shar lagu yiqiin ayaa u soo jeediyay dhexdhexaadin Sudan iyo Itoobbiya balse Abu Dhabi ayaa dib uga guratay dadaalkaas maalin ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibedda Qadar uu isku maray dalalka Liibiya, Sudan iyo Masar.
Diblomaasiyiin badan ayaa la walaacsan in go’doominta Itoobbiya ay soo jiidan karto khatar aan la hubin welibana saamayn xun ku yeelan karto isku heynta qoomiyadaha kala duwan ee Itoobbiya.
Hannaankii Ra’iisul-wasaarahii Meles Zenawi uu u dhisay maamul goboleedyada dalka Itoobbiya ayaa qayb ka ah dhibaatada taagan. Haddii Itoobbiya aan lagu kaalmayn xasilinta gudaha waxaa dhici karta in waddamada deriska la ah iyo Yurubka ay ku soo jabaan qaxooti aan hore loo arag.
Go’aanka Washington ayaa diraya baaq khaldan xilli Itoobbiya ay isku diyaarinayso doorashooyin ka dhaca dalka oo idil. Siyaasadda maamulka Biden oo aan weli saldhigin ayaa malaha culeys kaga imaanayaa Masaarida iyo ruuxaanta Tigray.
Su’aaluhu ma yara. Arbacadii May 26, 2021 ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Boqortooyada Sacuudiga ku tegay Kenya booqasho la xiriirta dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo xasilloonida iyo xallinta khilaafaadka Afrika [Soomaaliya].
Warar aan si rasmi ah loo shaacinin ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku sii jeedo Nairobi. Soomaaliya waxay horay u qaaday tillaabo aan horay loogu arag kaddib markii ay ka gudubtay qalalaasihii siyaasadda.
War idaacadda BBCda ee afka Soomaaliga ka soo xigatay laanta afka Turkiga ayaa sheegayo in Ankara sanadka dhammaadkiisa ay qorsheynayso in ciidamada Soomaaliya ay gaarsiin doonaan ilaa iyo 14 kun si ay ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga badankeeda ciidamada AMISOM.
Dib u soo kabashada Soomaaliya ayaa u muuqata in la dardargelinayo xilli isbahaysigii seddax geesoodka Geeska Afrika uu sii gelayo gudcur.
W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com