Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Amar siiyay Golaha Wasiirada iyo Hay’addaha dowlada (Akhriso)

Warqad kasoo baxday xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu faray golaha Wasiirada iyo hay’adadha kale ee dowlada in aysan gaari karin sidoo kale shaacin karin go’aano cusub aan lasoo ogeysiin Ra’isul Wasaaraha.

Ra’isul Wasaare Rooble qoraalkan uu soo saaray oo ku taariikheysan 26-ka bishan ayuu ku wargaliyay golaha Wasiirada iyo hay’adaha kale ee dowlada in ogolaansho uga helaan xafiiskiisa go’aanada cusub ay gaarayaan.

Amarka Ra’isul Wasaare Rooble ayaa u muuqda mid Wasiirada Xukuumada iyo hay’adaha kale ee dowlada federaalka looga digayo xiligan kala guurka iyaga oo ka faa’iideesanaya sameeyaan magacaabis iyo xil ka qaadis uusan Rooble ka warheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Kalluumeysiga ee dowlada Somalia oo digniin soo saartay (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa Kuuriyada Koonfureed kana helay ballanqaadyo (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---