Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsan Xukuumada Roble oo magacaabay Agaasimayaal Cusub (Akhriso Magacyada)

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa lagu magacaabay agaasimo waaxeedyo cusub .

Wasiirka Arimaha gudaha ayaa xilka ka qaaday qaar kamid ah agaasimo waaxeedyo horey uga shaqeenayay Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka, waxa uuna magacaabay agaasimayaal cusub oo howsha halkooda kasii wadi doona.

Janaraal Mukhtaar ayaa u magacaabay Agaasimaha Waaxda xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, halka Muuse Abshir Cabdi laga dhigay Agaasimaha Waaxda dhaqanka iyo Arrimaha Bulshada, waxa uu sidoo kale Agaasimaha Waaxda xiriirka iyo Warfaafinta u magacaabay Abshir Macalin Maxamed, halka  Agaasimaha Waaxda Hay’adda aan dowliga aheen u magacabaay Xanafi Cabdi Cali.

Halkan ka AKhriso Wareegtada magacaabista

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee caalamku uga falceliyey dilka Xassan Nasrahallah?

Caydiid Ali

Mareykanka oo Qunsuliyad ka furanaya Afganistan iyo Isbedel weyn oo ku yimid siyaasaddii…

Cabdi Cade

Dowladaha Raashiya & Ukraine oo mar kale is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal

Cabdi Cade
Taboola Ads ---