Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa diyaariyay inta badan liiska xubnaha ku jira guddiga doorashada iyo xalinta khilaafaadka heer federaal iyo heer dowlad goboleed uu ka jiro muranka xoogan.
Sida aan wararka ku helnay xubnaha guddiga doorashada ee diyaariyeen golaha midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ku jira kuwa tirsan ciidanka Nabad sugida, Shaqaale dowladeed iyo qaar kamid ah taageerayaasha Farmaajo.
Xubnahan muranka ka jiro ay diyaariyeen golaha Midowga musharaxiinta ayaa loo gudbin doonaa Guddi Wasiiro ah uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble oo xaqiijinaya cadeymaha laga soo gudbiyay xubnaha uu muranka ka jiro ee guddiga doorashada ka mid ah.
Heshiiskii ay gaareen Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa in dib u eegis lagu sameeyo xubnaha guddiga doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee muranka ka jiro.
Guddiga doorashada ee magacaaban ayaa horey u abuuray khilaaf, waxaana guddigaasi la sheegay in ay u badan yihiin saraakiil Nabad sugid ah, shaqaale dowladeed iyo qaar kamid ah dadka baraha bulshada ka taageera Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com