Maanta oo ay bishu tahay 31 Maajo 2021 waa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey joojinta cabista Sigaarka iyo isticmaalka tubaakada, (WORLD NO TOBACCO DAY) taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka looga wacyigeliyo khatarta ay leeyihiin.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa diirada saartay sanadkan 2021 sidii loo joojin lahaa cabista sigaarka iyo Isticmaalka Tubaakada iyadoo halkudhigga sanadkanna uu yahay BALLANNQAAD INAAD JOOJISO “COMMIT TO QUIT” kaasoo dadka ku dhiirrigelinaaya inay joojiyaan cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada si ay u helaan nolol caafimaad leh.
Cabista Sigaarka iyo Halista COVID-19
Waxaa dunida oo idil saamayn wayn ku yeeshay xanuunkan cusub ee COVID-19 oo boqolaal-kun oo qof naftoodii galaaftay.
Hadaba sida ay cadeeyeen culumada caafimaadka, COVID-19 wuxuu halis weyn ku yahay dadka sigaarka caba ama isticmaala tubaakada noocyadeeda kala duwan bacdamaa habdhiska neefmareenkooda uu aad u dhibaateeyey.
Sigaarka iyo Shiishada waxay fududeeyaan qaadista iyo faafida COVID-19, Isticmaalka Sigaarka waxaa ka dhasha in gacmaha ay si joogto u gaaraan afka (Faruuryaha) iyo Sanka, taasoo keeni karta in qofku uu si sahlan u qaado cudurka COVID-19, sidoo kale, waxaa sidoo kale xusid mudan in Shiishada ay si gaar ah uga qeyb qaadato faafida cudurka COVID-19, maadaama si wadar ah loo isticmaalo.
Isticmaalka Tubaakada ama cabitaanka sigaarka waxay noqon kartaa : cabista sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, Shiishadda, tubaakada la ruugo ama la calaliyo, midda daanka la gashado, iwm. Intaasoo dhanba waa khatar haba ku kala badnaadeene.
Guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama isticmaalka Tubaakada waxaa lagu qiyaasaa 1.3 bilyan qof iney isticmaasho maanta. Ku dhawaad Hal bilyan (80%) waxay ku nool yihiin waddamada soo koraya.
Cabista sigaarka wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 8 milyan oo qof, in ka badan 7 milyan waa dadka caba sigaarka iyo kuwii horey u cabi jiray, halka 1,000,000 oo qof ay yihiin dadka sida dadban ku caba sigaarka (Second-hand Smoke).
Cabista sigaarka waxaa la socda 7000 maaddo oo kiimiko ah oo boqolaal ka mid ah ay yihiin sun, 70 ka mid ahna ay sababi karaan cudurka halista ah ee kansarka. Waxaana ka mid ah maadooyinkaas (Tar, Arsenic , benzene , formaldehyde, carbon monoxide, amooniyo iyo qaar kaloo badan) waxaa kaloo ku jira maadada Nicotin-ka oo sababa in la qabatimo sigaarka jir ahaan iyo maskax ahaan.
Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo.
Waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo iney sii yaraan karto.
Cabista Sigaarka iyo saameynta uu Caafimaadka ku leeyahay
Cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada waxay sababaan 25 cudur ku dhawaad waxaana ka mid ah kuwa ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and Stroke), wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada (Emphysema), Chronic Bronchites; wuxuu kaloo sababaa cudurka kansarka ku dhaca sambabka 30-35 %. Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xametida, xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo keenaa dhalma la’aanta ragga iyo haweenka. Waxaa xusid mudan in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada uu waayo. Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa in ay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death).
Wuxuu kaloo caawiyaa cudurka gastritis wuxuuna badiyaa laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo daahiyaa bogsashadda boog calooleedka (Peptic Ulcer).
Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah u gaari waayo dhiiggii ay u baahnaayeen.
Dhalinyarada da’dooda ka yartay 20 sanno, waxey 3 jeer ka badan yihiin kuwa da’doodu ka weyn tahay 20 sanno dhinaca dhimashada daga daga ah.
Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la’aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhacda taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arthrosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisa kacsan tahay.
Cabista sigaarka waxay waxyeelo u geysataa Aragga Indhaha ,Maqalka dhagaha iyo Maqaarka sidoo kale wuxuu wax yeelo u geystaa dibnaha, ciridka iyo ilkaha.
Khatarta kale ee sigaar-cabistu waa qofka ka ag dhow meesha lagu cabayo (second-hand smoke) sida guryaha caruurtu joogaan ama goobaha bulshada isygy timaaddo kuwaasoo neefsanaaya ama qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkooda lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%.
Bulshada Soomaaliyeed 30kii sano ee u dambeysay oo burburka, dagaalada iyo barakaca ay jireen waxaa si xaddi leh u kordhay tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da’da yar. Waxaa kalow kordhay dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro iyo dad waaweyn kuwaasoo ku keeni karaaya mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka ah.
BAAQ
Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kastoo ay joogaan iney joojiyaan cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo iyo iyagoo sababaaya khatartii caafimaad ee aan kor ku soo sheegnay.
Wa-billaahi-tawfiiq
Prof. /Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle
Muqdisho, Somalia