Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo Dubbe siiyey amar la xiriira Warbaahinta Qaranka & Xiisad laga cabsi qabo

Madaxwaynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe ku amray in isbedel degdeg ah lagu sameeyo agaasimayaasha Wasaaradda Warfaafinta sida ay xaqiijiyeen Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia.

Warka ayaa intaas ku daraya Isbedelka oo la filayo in maalinta berri ah la dhaqan geliyo la la qorsheynayo in laga billaabo agaasimaha guud ee Wasaaradda Naasir Xuseen, iyadoo kadibna ay raaci doonaan agaasimayaasha qeybaha warbaahinta sida TV-ga Qaranka, Radio Muqdisho iyo SONNA oo qaarkood dhowaan xilalkaas loo magacaabay.

Arrintan oo laga cabsi qabo iney abuurto xiisad cusub oo siyaasadeed ayaa ku soo aadeysa xili Warbaahinta Qaranka ay muddooyinkan qaadatay siyaasad dhexdhexaad ah iyadoo baahineysay hadallada siyaasiyiinta Mucaaradka.

Farmaajo ayey wararku sheegayaan inuu dhibsaday arrintan, iyadoo  tallaabadan  khilaafsan tahay xeer uu Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaray oo sheegayay inaan isbedel lagu sameyn karin agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia oo shaacisay in 130 ka tirsan Al-shabaab lagu dilay..

Caydiid Ali

Maxaa ka dhalan kara sida Somaliland ula dhaqmeyso shacabka Laascaanod?

Caydiid Ali

C/casiis Laftagareen & wafdi uu horkacayo oo gaaray degmada Baraawe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---