Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Amaanka ee QM oo War ka soo saaray heshiiskii laga gaaray doorashada Somalia

Golaha Amaanka ee Q/Midoobay  ayaa soo dhoweeyey heshiiskii ay wada gaareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.

Qoraal ay wadajir u soo saareen 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayay ku bogaadiyeen hoggaamiyayaasha siyaasada Soomaaliya oo muujiyay bisayl iyo tanaasul loogu turayo shacabka.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay soo dhoweeyeen ballanqaadkii ahaa in la qabto doorashooyin nabdoon, hufan, loo dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo, iyadoo la xushmeynayo qoondada haweenka ee baarlamaanka oo ah 30%” ayaa lagu yiri qoraalka

Ugu dambeyn Golaha ammaanka ayaa ugu baaqay  dhamaan dhinacyada inay sii wadaan wada hadalka furan iyo in la sameeyo hannaan nabadeed oo lagu xalliyo khilaafaadka doorashada kaasoo salka ku haya heshiiskii 17 Septembar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shuruuc adag oo lagu soo rogay dadka tahriibka ku galaya Mareykanka (Akhriso)

Cabdi Cade

Jocelyn Mason oo balan-qaad Muhiim ah u sameeyey Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Maalinta iyo Saacada la fulinayo Dilka ragii kufsaday kadibna Dilay Caasho Ilyas oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---