Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dalalka Imaaraadka & Qatar oo qarka u saaran iney soo ceshadaan xiriirkii diblomaasi

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegay in ay jirto rajo muujineysa in laga gudbayo khilaafka dalkiisa kala dhexeeya Isutagga Imaaraatka Carabta, kadib dhowr jeer oo wadahadallo ay yeesheen labada dal si meesha looga saaro madmadowgii ku dhex jiray.

Saudi Arabia ayaa bishii January ku dhawaaqday heshiis lagu dhameynayo khilaafkii keenay in boqortooyada, iyo dalalka Imaaraatka, Masar iyo Bahrain ay xiriirka Qatar jaraan 2017-kii iyagoo ku eedeeyay in ay taageerto argagixisada, eeddaas oo ay Qatar beenisay.

Diblumaasiyiin iyo ilo wareedyo ku sugan gobolka ayaa sheegay in Riyadh iyo Qaahira ay si ka dhakhso badan dalalka Imaaraatka iyo Baxreyn dib ugu dhisayaan xiriirkii ay la lahaayeen Doha.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa wareysi la baahiyay Jimcihii oo uu siiyay telefishanka Al Araby ku sheegay in horumar wanaagsan laga gaaray wadahadalladii kala dhexeeyay Sacuudiga, oo uu dhowaan booqday amiirka Qatar iyo Masar.

Source: VOA

Related posts

K/Galbeed oo amar cusub soo saartay ka dib xanibaadii C/wali Muudey (Akhriso)

Caydiid Ali

Wariye Caan ah oo Shaqadiisa ku waayay Warbixino been abuur ah uu qoray

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo khudbadiisii Shirka Talyaaniga ku dhega hadlay Abiy Ahmed (Sawirro)

Caydiid Ali