Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mahdi Guuleed: “Walaalaha Koonfurta waa inay cashar ka bartaan doorashada Somaliland”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda xilgarsiinta Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa hambalyo u diray Shacabka Somaliland ee berri u dareeraya Doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.

Guuleed oo khudbad ka jeedinayey Warbaahinta dowladda ayuu Doorashada Somaliland ku tilmaamay ilbaxnimo, isagoo tiriyey goobaha ay doorashadu ka dhaceyso iyo musharixiinta ku tartamaya.

“Waxaa qeyb ka soo ahaa doorashooyinka Somaliland 2001 ilaa ilaa 2017, Walaallaha Koonfureed waaan ugu baaqayaa inay cashar ka bartaan sida xorta ah oo qofka muwaadinka uu codkiisa u dhiiban karo, Doorashada ku soo aadan 2025 inay muwaadiniinta Soomaaliyeed xaq u yeeshaan inay doortaan xildhibaanka iyo madaxdooda” ayuu yiri Guuleed.

Ra’isal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya u rajeeyay Somaliland iney qaataan natiijada Doorashada kasoo baxdana ay aqbalaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad Hubeesan oo kusoo badaneysa Muqdisho iyo Shacabka oo qaati ka taagan

Cabdi Cade

Somalia oo shuruud ku xirtay dhexdhexaadin iyo wadahadal ay la gasho Itoobiya

Caydiid Ali

DEG DEG: Wasiirkii difaaca ee Somaliland oo goor dhow xilka iska casilay (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---