Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Goob ay ka socotay xaflad aroos oo Mar kaliya isu bedeshay tacsi iyo argagax (Sawirro)

Lix qof oo rayid ah ayaa la dilay tiro kalana waa la dhaawacay kadib markii hoobiye uu ku habsaday guri ay ka socotay xaflad aroos, sidaasina waxaa Axadda maanta ah sheegay saraakiisha amniga afghanistan.

Qaraxa oo ka dhacay  degmada Tagab ee waqooyiga gobolka Kapisa, halkaasi oo ay ka dhacaan dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Afghanistan iyo kuwa Taliban.

Afhayeenka booliska gobolka, Shayeq Shoresh, ayaa ku eedeeyay kooxda Taliban in ay soo gantay hoobiyaha, wuxuuna intaa ku daray in ugu yaraan lix qof oo rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur la dilay halka afar kalena la dhaawacay.

Laakiin sarkaal sare oo ka tirsan waaxda amniga ee Kabul ayaa tirada dhimashada ku sheegay ugu yaraan 10 qof, iyo 18 dhaawac ah.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa eedda iska fogeeyay waxaana uu sheegay in hoobiyaha ay tuureen ciidamada amniga oo la dagaalamayey xoogag ka tirsan kooxdaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baaq ku saabsan ka badbaadinta Dalka Khalalaasaha siyaasadeed ee dalka oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Cabdulaahi Aadan Black oo loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Madaxweyne Cagjar oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Saraakiisha ciidanka Liyuu Boolis

Caydiid Ali
Taboola Ads ---