Taliyaha ciidanka Milatariga Soomaaliya Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa hogaaminaya howlgal ciidanka xooga Soomaaliya ka wadaan deegaano hoostaga degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Janaraal Odawaa ayaa howlgalka uu hogaaminayo ciidamada kula wareegeen deegaano dhoor ah oo la sheegay in gacanta ku hayeen Al Shabaab, waxa ay sidoo kale taliska milatariga sheegeen in howlgalka lagu dilay saraakiil iyo xubno kale katirsan Al Shabaab .
Taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya ayaana howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab waxaa la hogaaminaya qaar kamid ah saraakiishii ciidanka Bad baado Qaran ee dowlada kula dagaalamay Muqdisho kuwaa oo horey uga tagay gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Janaraal Odawaa iyo qaar kamid ah saraakiishii bad baado Qaran ayaana sawir hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada kusoo galay deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Dadka sawirkan aragtiyada ka dhiibtay ayaana sheegayay intooda badan in la is cafiyay kana gudbeen ciidanka iyo saraakiisha kala qeybsanaantii ayna hada hal meel uga soo wada jeedaan kooxda Al Shabaab.
Muqdisho waxaa dagaal xoogan uu ku dhax maray ciidamo kawada tirsan dowlada balse kala taabacsanaa Villa Soomaaliya iyo Musharaxiinta mucaaradka, ciidankan ayaana markii dambe dib uga baxay Muqdisho kadib markii heshiis la gaaray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com