Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ra’isul Wasaaraha UK oo Xaflad aroos oo qarsoodi ah dhigtay iyo hadal heyn ka dhalatay

Ra’isul Wasaaraha dalka Britain Boris Johnson iyo gacalisadiisa  Carrie Symonds isku ku guursaday xaflad si qarsoodi ah loogu qabtay kaniisadda Westminster Cathedral ee magaalada London.

Xafladan arooska ay dhigteen Ra’isul Wasaare Johnson iyo gacalisadiisa mudada wada joogeen ayaa laga qariyay warbaahinta iyo shacabka UK, waxaana xaflada ka dhacday kaniisada kaliya kasoo qeyb galay dad yar oo u badnaa ehelada iyo asxaabta lamaanaha.

Lamaanahan is guursaday ayaa horey u ahaa saaxiibo is jecel oo mudo lahaa xiriir hoose, waxaana Ra’isul Wasaaraha iyo gabadhan uu guursaday u jooga wiil lagu magacaabo Wilfred oo dhashay bishii April.

Warbaahinta iyo shacabka Britain ayaana si weyn u hadal haya xaflada arooska la qariyay ee Ra’isul Wasaare Jonhson iyo gacalisadiisa, waxaana dadka aragtiyo kala duwan ka dhiibteen sababta keentay in la qariyo guurka  Johnson iyo Carrie.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahin :-Qaraxii Xalay ka dhacay Muqdiyo & Kheyre oo is hortaag ku sameeyay Hirshabelle & Kenya oo …

Cabdi Cade

Xildhibaan codsaday in garab lagu siiyo sidii ay RW Xamse u ridi lahaayeen

Cabdi Cade

Sudan oo Madaxweynahe KMG loo dhaariyey afar bilood ka dib xukunkii Al-Bashiir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---