Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Anshaxa & Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Somaliland oo Shuruudo soo bandhigay

Waxaa beri oo isniin ah kuna beegan 31-ka bisha May lagu wadaa in deegaanada maamulka Somaliland ka bilowdaan doorashooyinkii isku sidkanaa ee Baarlamaanka maamulka Somaliland.

Doorashada ay ku loolamayaan sadexda xisbi siyaasadeed ee ka jira deegaanada Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn looga dareemayay olalaha doorashada , iyadoona xisbi waliba maalin gaar ah qabsanayay olalaha doorasho.

Guddiga Anshaxa & Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Somaliland ayaa soo bandhigay sharuudo laga doonayo in ay ilaaliyaan madaxda xisbiytada Somalilanad ee tartamaya iyo dadka u codeedanaua xisdbiyadaasi.

Halkan ka Ahhriso Shuruudaha ay soo bandhigeen Guddiga anshaxa iyo xalinta Khilaafaadka

  1. Ilaalinta Nabadgalyada.
  2. Ilaalinta Anshaxa.
  3. Ilaalinta dhaqanka & shareecada islaamka iyo ka fogaanta wax kasta oo kahor imaan kara.
  4. Ilaalinta dhaqanka soo jireenka ah.
  5. Ilaalinta shuruucda & qawaaniinta lagu heshiiyay.
  6. Ilaalinta kala fogaanshiyaha dadka sabab ka dhalatay Covid-19.
  7. Waxaa musharixiinta & Codbixiyaasha ka reeban Calamada, Summadaha & waxkasta oo Xisbi leeyahay

Doorashada maamulka Somaliland waxaa kor kala soconaya kormeerayaal ka socda dhoor iyo toban dal oo Afrikan u badan, waxaana kormeerayaasha ku jira Madax hore iyo siyaasiyiin caan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Su’aalo laga keenay Badqabka Diyaaradaha Casriga ay sameysay Shirkada Boeing

Cabdi Cade

Dhacdooyinka ugu waaweynaa siyaasada Somalia ee sanadkii dhamaaday

Caydiid Ali

Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---