Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Boqortooyada Sacuudiga oo dalkeeda u fasaxday dadka ka imaanaya 11 dal

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dabcisay xayiraadii dhinaca socdaalka qaar kamid ah wadamada Caalamka ay horey u joojisay dadka uga imaanayay, kadib markii uu faafay cudurka Caronavirus.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga ayaa shaacisay in laga bilaabo maanta oo axad ah Sacuudiga imaan karaan dadka kasoo dhoofaya 11 wadan oo u badan qaarada Yurub oo horay loo hakiyay in dhoofayaal ka yimaadaan.

Qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha Sacuudiga ayaa lagu sheegay in dadka ka imaanaya wadamadan xayiraada socdaalka laga qaaday laga baari doono cudurka Caronavirus marka ay kasoo degaan garoomada Sacuudiga.

Dadka  loo oggolaaday inay booqan karaan Sacuudiga ayaa ah kuwa ka kala imaanaya dalalka Maraykanka, UK, Talyaaniga, Jarmalka, Sweden, Switzerland, Ireland, Portuqiiska, imaaraadka Carabta, Faransiiska iyo Japan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Cali Kheyre oo isku diyaarinaya Madaxweynaha 2026-2030 !!

admin

“Farmaajo Wadaniyada wuxuu u yaqaan Keli-talisnimada uu ka dhaxlay adeerkiis” Sidaa waxaa yiri..

Caydiid Ali

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo kasoo guuray Hotelkii lagu weeraray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---