Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo howlgal lagu dilay (Magaciisa)

Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab ay maanta ku dileen degaanka Galka-Xarareey ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Saraakiisha la dilay ayaa waxaa ka mid ah Macalin Yuusuf oo ahaa madaxii Al-shabaab ee degaanka sida ay sheegeen saraakiisha hogaaminayey howlgalka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Oddowaa Yuusuf Raage ayaa xusay in howlgalladii maanta dhacay ee lagu baacsanayey kooxda lagu gaarsiiyey jab xoog leh, isla markaana ay sii wadi doonaan, inta ay ka sifeynayaan deegaanada ay ka joogaan dalka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa beryahan howlgalo xoogan ka waday degaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo ay joogeen xoogaga Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xero Ciidan oo kutaala Muqdisho

Cabdi Cade

Dad ku dhaw Kun qof oo ku dhintay dalka Hindiya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Masiibo ka taagan degmo ka tirsan Puntland & Madaxweyne Deni uu guddi u saaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---