Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad 25 sano ka dib qiratay iney ku lug laheyd xasuuqii ka dhacay Rwanda

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, oo booqasho ku jooga wadanka Rwanda ayaa qirtay in Faransiisku aqoonsaday doorkii uu ku lahaa mas’uuliyadda xasuuqii Rwanda ee dhacay sanadii 1994.

Macron ayaa weydiistay dadka reer Rwanda in laga cafiyo doorka waddankiisa ku lahaa xasuuqa, isagoo xusay in faransiiska ay waajib ku tahay inuu qirto dhibaatadii ay u gaysateen dadka reer Rwanda.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay in qirashadii uu Faransiisku ku qirtay doorkii uu ku lahaa xasuuqii 1994-kii ka dhacay dalkiisa ay tahay tallaabo weyn xittaa haddii aysan Faransiisku la imaan raali-gelin.

Macron, ayaa intii uu ku guda jiray booqasho taariikhi ah oo uu toddobaadkan ku tagay waddankan ku yaalla bariga Africa, waxa uu qiray kaalintii Faransiiska ee dilkii 800,000 oo qof oo u badnaa qowmiyadda Tutsi.

Waxa uu ku sigtay in uu raalli-gelin bixiyo, isagoo hoosta ka xarriiqay in Faransiisku “uusan lug ku laheyn” rabshadaha tooska ah. Macron ayaa qaaday tallaabo ka dheer kuwii madaxweynayaashii isaga ka horreeyay isagoo qiray in Paris ay taageertay nidaamkii xasuuqa gaystay ayna iska indhatirtay digniinaha ku saabsanaa xasuuqa.

Qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday xasuuqa oo rajeynayay raalli-gelin rasmi ah ayaa niyad jabay.

Kagame, oo hogaamiyay kacdoonka Tutsi-ga ee soo afjaray xasuuqa, ayaa si joogto ah waxa uu ugu eedeeyn jiray Faransiiska in uu ku lug lahayd dambiyadaasi.

Waxa uu ku ammaanay Macron “in uu runta ka hadlay” isagoo sheegay in ereyadiisu “ay ka qiimo badnaayeen raali-gelin”.

Booqashada Macron, oo ahayd tii ugu horreysay ee hoggaamiye Faransiis ah tan iyo 2010-kii, ayaa waxa uu isku dayay in uu bog cusub u furo cadaawad muddo rubuc qarni ah u dhexeysay Faransiiska iyo Rwanda taasi oo ku saabsaneyd weydiimaha aan wali la xallin ee xasuuqa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya Masuuliyiin ku dhintay doontii ku qalibantay B/Weyne (Sawirro)

Caydiid Ali

Shiinaha: “Maraykanku waa inuu joojiyaa xadgudubyada dhinaca Midabtakoorka ah”

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday magaalada Baydhabo iyo Wararkii u Dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---