Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirkii Arrimaha gudaha Galmudug oo ka hor yimid xil ka qaadistii lagu sameeyey

Wasiirkii Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa ku gacan seyray xilka qaadistii galabta uu ku sameeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Cabdi Waayeel ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug uusan sharci u laheyn xilka qaadis, balse uu awood u leeyahay shaqo joojin kaliya.

“Waa sharci darro wareegtada ka soo baxday Xafiiska Cali Daahir Ciid ee xilka la iiga qaaday ayuu yiri Cabdi Waayeel oo sidoo kale beeniyay eedaha loo jeediyay oo la xiriiray dhismaha golaha deegaanka Balanbale.

Waxaa uu xusay inay jiraan beelo uu sheegay inay cabasho aan sal laheyn ka qabaan qaabkii loo qeybiyey xubnaha golaha degaanka Balanbale, isagoo xusay inuu ku saxnaa qaabka uu arrintaas u wajahay.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Mohamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Xilka qaadista lagu sameeyay Wasiir Waayeel  ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka Balanbale oo la isku qabsaday qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo diyaaradihiisa aan duuliyaha lahayn ku dhex samayn doona dal dagaal ka socdo

Cabdi Cade

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku dilay Cabdullaahi Caliyow iyo Najiib Cabdisalaan

Cabdi Cade

Jadwalka doorashada xubnaha ka dhiman Aqalka sare ee Jubbaland oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---