Wareegto kasoo baxday xafiiska Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Mohamed Jaamac (Cabdi Waayeel).
Sida aan wararka ku helnay Xil ka qaadista lagu sameeyay Wasiir Waayeel ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka Balanbale oo la isku qabsaday qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay.
Xil ka qaadista Wasiirka arimaha gudaha Galmudug ayaa kusoo aadeysa xili amar kasoo baxay Madaxweynaha Galmudug lagu joojiyay dhismaha golaha deegaanka oo ka socday Degmooyin katirsan Galmudug