Waxaa goordhaw iska hor imaad dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Isgooska Warshada Caanaha ee Degmada Hodan , iska hormaadkan ayaana la sheegay in uu dhax maray ciidamo kawada tirsan dowlada.
Sida aan wararka ku helnay ciidamo ilaalo u ah Sargaal milatari oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo degan xaafada Warshada Caanaha iyo ciidamo kale oo rasaas ku furayay gaadiid isku xiray wadada warshada caanaha ayuu dhax maray iska hor imaadka.
Labada ciidan ee is rasaaseenta dhax martay ayaa la sheegay in ay kala shakiyeen sidaasna ku dagaalameen, rasaasta ayaana markii dambe joogsatay kadib markii goobta ka tageen ciidankii la dagaalamay kuwa Liibaan Madaxweyne.
Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay iska hor imaadkaasi halka qof kalana uu dhaawac soo gaaray, waxaana daqiiqado kooban xaalad kala carar ah uu ka bilowday isgooska Warshada caanaha oo jaam ahaa xiligii rasaasta bilaabaneysay.
Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin iska hor imaadkan goordhaw magaalada Muqdisho ku dhax maray ciidamada kawada tirsan dowlada ee khasaaraha dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen dad shacab ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com