Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo kulan la yeeshay Madaxda dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wakiilada beesha caalamka.
 
Kulankaan oo uu shir gudoominayay Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa looga hadlayay heshiiskii laga gaaray Arimaha Doorashooyinka iyo sidii looga shaqeyn lahaa Amniga guud ee Dalka.
Madaxda kulanka ka qeyb gashay iyo Wakiilada Beesha caalamka ayaana is dhaafsaday aragtidooda ku aadan sidii loo guda gali lahaa doorashada dalka iyo sidii wadajir la isaga kaashan lahaa amniga goobaha ay doorashada ka dhacayaan.
Wakiilada beesha Caalamka ee kulanka ka qeyb galay ayaa bogaadiyay heshiiskii laga gaaray arimaha doorashada, waxa ayna balan qaadeen in taageero kala duwan ka geesanayaan qabsoomida doorasho u dhacda si xur iyo xalaal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Putin oo ciidamadiisa amar ku siiyey iney galaan Ukrine (Sawirro)

Caydiid Ali

Labo Masuul oo katirsan Dowlada Soomaaliya oo Fariin adag hawada loo marsiiyay !!

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo War kasoo saaray shirka lagu wado in Xalane ka dhaco

Cabdi Cade
Taboola Ads ---