Tan iyo June 2020 Soomaaliya waxaa ka taagnaa khilaaf ka dhashay nooca doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada-qanacsan yahay. Ismariwaagan ayaa bilaabmay February 2020 markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu saxiixay sharciga doorashada, kaas oo durbadiiba baqdin ku beeray mucaaradka iyo qaybo ka mid ah hay’adaha dastuuriga ah.
Sidee Wax u Dhaceen
Dowladda Federaalka (DFS) waxay diiradda saartay sidii loo heli lahaa sharci nidaamiya doorasho Qof iyo Cod ah. Balse, ka-taxaddar la’aanteeda in doorashadu ay dhacdo inta aysan dhammaan muddo xileedka dowladda ayaa caqabad ku noqotay geedi-socodka dimuqraaddiyeynta. Nasiibdarro, Guddiga Madaxbannaana ee Doorashadana Qaranka kama uusan digin suurtagal-xumida jadwalka doorashada November 2020.
Sidoo kale maqnaanshaha mucaarad wadareed oo leh miisaan iyo bisayl siyaasadeed iyo isafgarad la’aanta u dhexaysa dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa iyadana qayb ka ahayd siyaasadda cakirantay.
Mucaaradka oo ay ugu muuqatay in madaxweyne Farmaajo uu ka itimaal (probability) badan yahay musharraxiinta kale, ayaa bartilmaansaday si loo beddelo dheellitirka siyaasadeed loona muujiyo in madaxweynuhu yahay midka fashaliyay doorashooyinka dalka.
Xaaladda waxay sii murugtay kaddib markii muddada xilhaynta baarlamaanka iyo madaxtooyadaba ay dhammaadeen (December 27, 2020 iyo February 8, 2021) iyadoo heshiis siyaasadeed uusan jirin mucaaradkuna diideen xilkusimista sharciga ku qotontay.
Xaalufinta Dimuqraadiyadda
Loollanka awoodda gudaha oo ay wehliso faraggelinta xeeladeysan ee shisheeyaha ayaa shalaw ka tuuri gaartay dowladnimada Soomaaliya kicisayna isqabqabsigii ahaa in wax kastoo lagu heshiiyo la fashiliyo lana dul dhigo shurrudo lagu durayo sharciyadda dowlada amase lagu xiro shuruud hor leh.
Isku daygaas lagu jiidayey wadahadallada heshiiskii September 17, 2020 oo ujeeddadiisu ahayd “Gaw iyo Gash-ma-leh,” ayaa soo deddejiyay in Farmaajo miciin ka dayo doorashada qof iyo cod, taas oo labo sanadood ku kordhisay muddo xilhayntiisa.
Tillaabadaas gefka ahayd ayaa siisay mucaaradka fursad ay kaga gudbaan heerka qaswadayaal jallaafeeyay qabsoomidda doorashayoonka iskuna muujiyaan dhibbanayaal eedaynaaya keli- talisnimo iyo xukun-bursi.
Wadahadal Waxtar Leh
Jebinta xeerarka dastuurka ayaa dalka gaarsiisay marxalad khatar ah. Balse, dib uga gurashadii muddo kordhinta ee Madaxweynaha ayaa bilow u noqotay qaab looga bixi karo xiisadii taagneed.
Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hoggaaminayay wadatashigii qaran ee uu kala wareegay madaxweynaha ayaa kulankii Muqdisho ee May 23-27, 2021 ku soo gabagabeyey in dhammaan waxyaabihii muranka dhaliyay ee dhibku ka taagnaa lagu heshiiyo. Waxaa guul la taaban karo ah in doorashada dib u dhacday lagu qaban doono 60 maalmood gudahood xukunkana si nabad ah layskugu wareejin doono.
Casharka Laga Bartay
Qaabkii uu u dhacay isqabqabsigii doorashooyinka iyo sida aan sahlanayn ee loo xalliyay waxay ifinaysaa inay ahayd fursad xoojin karta habraaca doorashooyinka mustaqbalka oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Haseyeeshee, qalalaasaha siyaasadeed waxaa ku soo ifbaxay dhowr arrimood:
- Madaxtooyada iyo baarlamaanka oo maquunin ku raadiyey muddo kordhin (sharci amase sharci darraba ah) ayey u caddaatay in hal dhinac oo keliya uusaan heli karin wixii uu doono awood kasta ha lahaadee ilaa laga wada oggolaado;
- Mucaaradka oo rumeysnaa inuu Farmaajo irridda ka bixi doono wixii ka dambeyay February 8, 2021 haddii la canaado amase la carqaladeeyo ayey u soo baxday in waxaa keliya kursiga looga qaadi karaa madaxweyne xilhayntiisii dhammaatay ay tahay doorasho looga raayo.
- Saamilayda siyaasadeed qofka shiddadani ay kasoo gartay dhibaatada ugu weyn waa Farmaajo, oo isagoo guranayo mirihii guulihii wax ku oolka lahaa ay dowladdiisu dhalisay saddexdii sanadood ee ugu horraysay, shacbiyadiisana ay caadka sare marayso tunka saartay fashalka qabsoomi-darrada doorashayinka iyo qar u saaridda dalka halis amni oo weyn. Waa dersi uu malahaa Farmaajo uusan illaabi doonin weligii.
Ugu dambeyntii, dadaalka Washington ay ku bixisay xaldoonka mas’aladda murugtay iyo u xilsaarka Ergeyga Qadar Mutlaq bin Majed Al-Qahtani xasilinta xaaladda oo taageertay himilada dimuqraadiyeenta dalka waa abaal ummadda Soomaaliyeed aysan iloobi doonin waana astaan saaxib laysku haleyn karo “markii cir caddaado (dhib dhaco).”
W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com