Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Q/Midoobay oo damacsan talaabo ka dhan ah Israel iyo Maraykanka oo ka hor yimid

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Q/Midoobay ayaa u codeeyay in la baaro dagaalkii dhowaan dhex maray Israa’iil iyo Xamaas.

Guddiga ayaa ansixiyay qaraarka, oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah dalalka Islaamka.

Balse Mareykanka ayaa ka hor yimid arrintaas isagoo sheegay in go’aankan uu qalqal gelinayo hannaanka xasiloonida loogu soo dabaalayo gobolka.

Dagaalka ayaa bilowday kaddib toddobaadyo ay sii xumaatay xiisadda Israa’iil iyo Falastiin ee Bariga Qudus taasoo sababtay isku dhac labada dhinac ku dhex maray.

Ugu yaraan 242 qof ayaa lagu dilay Gaza iyadoo 13 kalena lagu dilay Israa’iil 11-kii maalmood ee uu socday dagaalka oo soo afjarmay Jimcihii la soo dhaafay markii xabad la dhex dhigay taasoo ay shaqeysay dowlada Masar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin ka qeyb qaatay Bur burinta Masjidkii Babri oo hada dhisay 90-Masjid

Cabdi Cade

Leadership is not a Blind Following or submission of Everyone’s Opinion

Caydiid Ali

Markab laga leeyahay Israiil oo gacanta u galay burcad badeed Soomaali ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---