Madaxweynaha dalka Masar Abdulfataax Al Sisi ayaa booqasho ku tegay dalka Jabuuti isagoo halkaa kula kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Sisi ayaa soo bandhigay qorshayaal lagu xoojinayo xiriirka amniga iyo millitariga ee kala dhaxeeya gobolka Badda Cas ee Jabuuti, maaddaama Qaahira ay xoojineyso xiriirka bariga Afrika oo ka dhexjiray muran ka dhashay isticmaalka Itoobiya ee webiga Nile. Labada madaxweyne ayaa si wada jir u qabtay shir jaraa’id ka dib kulankoodii gaarka ahaa.
“Wadahadalkii u dhexeeyey Abdel-Fattah El-Sisi iyo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle, ee ka dhacay Jabuuti wuxuu yimid iyada oo ay jiraan duruufo aan caadi ahayn iyo isku khilaafyo dhanka “loolanka awoodda muhiimka ah” ee Geeska Afrika ah, ayuu Sisi ku yiri hadal uu soo saaray kulanka ka dib.
Waxaa uu sheegay in isaga iyo Geelle ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga si loo taageero amniga iyo xasilloonida gobolka, iyo in si wada jir ah looga hortago faafidda khilaafaadka dalalka deriska ah, kuwaasoo khatar gelin kara xaaladda nabadda iyo amniga ee qaaradda Afrika.
Booqashadan, oo ah tii ugu horreysay oo madaxweyne Masar ah ku tago Jabuuti, tan iyo markii xorriyadda ay qaadatay sannadkii 1977, waxay dhacday maalin ka dib markii ciidanka Kenya ay sheegeen in ay heshiis farsamo oo iskaashi difaaca ah la saxiixdeen militariga Masar.
Masar ayaa xulafo xooggan ka dhiseysa dalalka Bariga Afrika, xilli ay xiisad kala dhaxeyso Ethiopia, taasi oo ku aaddan biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameysay webiga Nile.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com